Amniga

xafididda xogta macmiilkeenna waa ahmiyaddeenna ugu weyn

Ipso-care wuxuu xiriir toos ah dhex-dhigayaa dhinacyada ka qeybgalaya (la-taliyaha iyo macmiilka). Inta uu socdo waxa loogu yeero Xiriirka Peer-to-Peer (P2P), gudbinta codka iyo muuqaal-aragga waxaa si toos ah looga dhaxeysiinayaa labada bog-kiciye (Kumbiyuuter-ka-kumbiyuuter)- looma baahanayo in la dhexmariyo xog-keydiye. Xog-keydiyaha kaliya waxaa loo baahanayaa marka labada bog-kiciye la isbarayo (sida Aqoonsiyada Internet-ka [IP address] ee la-taliyaha iyo macmiilka) si uu u billowdo tashiga. Wax kasta oo kale waxay shaqeynayaan iyadoo aan la sii marineynin xog-keydiyaha.