Waxa aan qabanno

Mar-marka qaar waan dhibtoonnaa, wareernaa oo jaha-wareernaa
Mar-marka qaar ma garaneyno wax aan sameyno oo aan xaaladdeenna ku wanaajinno
Mar-marka qaar waxaan u baahannaa qof aan la sheekeysanno

Qof la aamini karo, si-qarin leh oo kuu jeellan
oo aan dhinacyo badan oo nolsheenna ah isla eegi karno
Qof waaya-aragnimo leh oo xirfadyahan ah

Waaya-aragnimada argagaxa leh, culeysaadka shaqsiga ah, khilaafaadka qoyska, walwalka, dhibaatooyinka hurdada iyo dhibaatooyinka isbeddelka nolosha waxay naga go'doomin karaan dadka kale.

Qofka oo isku beddela dib isu eegid iyo wada-hadal wuxuu na siiyaa dhiirranaan iyo awood, wuxuuna naga caawiyaa inaan helno waddooyin aan xalka ka helno iyo inaan dib ugu helno awoodaheenna.

La-taliyeyaasha Xirfadyahannada ah ee Ipso-care ee sida wanaagsan loo tababaray waxay diyaar u yihiin inay ku caawiyaan.

Hadda is-diiwaangeli oo horay u gal

Ipso care

Marka aad soo gasho boggeenna waxaan cagta soo dhigtay aag ammaan ah oo ay ku diyaar yihiin la-taliyeyaal danqasho leh iyo xirfadyahanno ka kala yimid waddamo kala duwan. Way ku caawinayaan, waxayna kaa gacansiin doonaan xaaladaha adag ee nolosha si aad u hesho waddada kugu hageysa fayo-qabka shaqsi iyo tan bulshaba.

Waa ujeedkeenna inaan dadka u sahalno inay xalliyaan dhibaatooyinkooda iyo qilaafaadka, si loo horumariyo oo loo sii wado xiriir shaqeynaya oo lagu aflaxo oo ay qoysaskooda, saaxiibbadooda iyo kuwa ay jecel-yihiin la yeeshaan, inay go'aansadaan waxa ay sameynayaan iyo inay awood u yeeshaan inay saameyn ku yeeshaan noloshooda iyadoo lagu dabbaqayo qiimaha shaqsi-ahaaneed.

Waxaan ku soconnaa hannaan la-talin oo ku saleysan awoodaha iyo xallinta mushkiladaha, taas oo ah taageerid, aan cidna la xukmineynin oo gabi-ahaanba la-sir-xafidayo.

La-taliyeyaasha Ipso-care waa xirfadyahanno si wanaagsan loo tababaray oo si joogto ah ay u kormeeraan khubarro ku xeel-dheer saaxada caafimaadka dhimirka.

Ipso-care waxaa laga helaa muuqaal-ku-sheekeysi aad looga taxaddaray qarintiisa oo loo marayo bogga macmiilka.

Aragtida iyo Howlgalka

Aragtida:

In deeg la-talin online ah oo ay ku dheehan tahay kalsooni, aaminaad, xirfadyahannimo iyo daryeel loo abuuro dadka ku kala duwan da'da, dhaqaalaha, jinsiyadda iyo dhaqamada ee dunida oo dhan ku nool.

Howlgalka:

Waxaan rabnaa inaan wax ku biirinno dunida oo ay dadku noqdaan kuwo leh damiir, hal-abuur, mas'uul ka noqda naftooda iyo deegaankooda, oo dadka kale iyo dunidaba ay wada-hadal kula xirmaan - dareen xoogleh - cajiib ah - danqasho leh. Annaga iyo kooxdeenna xirfadyahannada ah ee jeellan waxaan dhiirra-gelineynaa tacbiirka dhaqanka iyo huumaag-noqodka. Daryeel ayaan wax u caawinnaa.

Mabaadi'da hagidda

Waxaan dhiirra-gelineynaa tacabbirka dhaqanka ee shaqsiga iyo midka gudaha, dhaqanka, wada-hadalka iyo huumaag-noqodka khiimaha qofeed iyo midda wadareed.

Isla-xisaabtanka, daah-furnaanta, xorriyadda hadalka, xuquuq-sinnaanta, nabadda iyo dub-u-heshiisiinta heerka shaqsi iyo wadareed ayaa noo ah mabaadi' hagid.